Murtimaal

Fanaanada Nimco Dareen oo hees caan ah xatooyo ku samaysay.
Heesta Booli oo ay caan ku noqotay fananada Nimco Dareen,ayaa la ogaaday inay tahay hees horay u qaaday fananada caanka ah ee Marwo Abdi

Mar waraysi laga qaaday Fananada Nimco Dareen sanadii 2010 ay ku sheegatay heesta Booli ay leedahay ayada,uuna u sameyay abwaan Soomaaliya joogo oo lagu magacabo Abdulaahi lakiin waxaa arintaan beenisay dhawaan Fananada Marwo Abdi.

Fananada Wayn Marwo Abdi,ayaa ku adeeysay dhigeeda Nimco Dareen in heesta iyo miraheeda ay ku tumatay si xuna ay u qaday.

Marwo Abdi,ayaa hadalkeeda ku sii dartay in heestaan Booli la samayay 1983 erayada heestana uu samayay Abwaanka Xasan Xaaji Abdulaahi halka uu laxankane uu ku laray Fanankii weyna Ahmed Gacayte.

Fanaanada Nimco Dareen ayaa ilaa iyo iminka wax war ah ka soo bixin dhankeeda oo ay uga jawabayso arintaan lagu eedayay ee ah been abuuris ay ku samaysay xaga fanka.

Maahan wax Ku cusub Fanka Soomaalida in Fanaan uu xatooyo ku sameeyo hees balsa dadka ku xeel dheer Fanka ayaa arintaan ku tilmamay in ay qalad tahay in uu fanaan inta hees xado hadane uu sheegto in isaga loo sameyay heesta.

Halkaan Ka Daawo Dooda Heestaan.

<object width="420" height="315"><param name="movie" value="http://www.youtube.com/v/v4bd1nGUFAQ?version=3&hl=en_US" /><param name="allowFullScreen" value="true" /><param name="allowscriptaccess" value="always" /><embed type="application/x-shockwave-flash" width="420" height="315" src="http://www.youtube.com/v/v4bd1nGUFAQ?version=3&hl=en_US" allowscriptaccess="always" allowfullscreen="true"></embed></object>

Garnayl oo daba socota sil siladii gunaad
Magacaygu waa mohamed ahmed daahirwaxan salaamayaa dhamaan umada reer somaliland ,maanta waxaan jeclaaday inaan ka qaybqaato silsilad suugaaneedka gunaad ee ka bilaabatay maansadii abwaan xasan daahir ismail (weedhsame) waxanan kaga qayb qaadanayaa maansadan yar ee gaaban ee aan u bixiyay “garnayl” waana tan maansadii:

Gufaacada roobka

Cirkoo gabadhleeyay

Guluuluc xareeda

Gankayga haraaday

Garaad li’idayda

Markaan guban aaday

Hubsiimo gunteeda

Mabaan goblameene

Inaan dib u guuro

Wakhtaa ku gadaaman

Gabaaragurdaynta

Gurguuradka laylka

Intaan u gudaayay

Guureeyay habeeno

Intaan giriyaadka

U maaxay gawaanka

Intaan jirid guuna

Anoo gaylamaaya

Habeen gudcur jiidhay

Go’odoonkiyo maaga

Guhaadiyo ciilka

Waxaan galay raadco

Dhirtaa gudilayde

Dhurwaa ma garaabin

Waxaan galbis hooyay

Waxaan sacab gooyay

Ratiyo goolal loogay

Waxaan gini qaybshay

Aduun ku galaalay

Ninkaan u gargaaray

Ma buu noqon geesi

Gadaan ka filaayay

Goodbaan se xamaalay

Kashayda gunaadka

Ku gaamuray maalay

Markaan halaq gooyo

Goshayda abeesyo

Waqaan ku guraaye

Karaahida gaaxsan

Ayaa guntigayga

Ku giijay habaarka

Hankaygan gudbaaya

Hiyiga gondahayga

Hadhkooda ku gaadhan

Hilaadada guudka

La aaday galaydhka

Misana diin gurguurta

Gadaasha ka joogta

Cadaalada gaadhay

Dhamaan gayigeena

Ninkii gini haysta

Gunaysa ayaamo

Fiqiirkana goysa

Galeefta ku hoysa

Gubaysa saboolka

Gadaanada liicay

Waxaa gumac yeedhay

Garnaylo dhacaaya

Haweenka gadooday

Dhamaan goblan jooga

Waxaa gobolsheegtay

Awoodo u gaara

Hilbaha is gumaaday

Asaydiyo gooha

Sadaasha gabnawday

Hayaanka gabloolay

Waxaa gurac muuqda

Ninkay gubasee le

Ugaaska gamaaray

Ka toosi garoonka

Haduu gacaltooyo

Gunaadka u sheegey

Garwaaqsi la’aanta

Sheekooyinka guunka

Goonbaar lagu sheegey

Intoo saaftin geela

Golaha loogu tuuray

Ayay gaf dareentay

Wixii galadaaba

Iyada guntin weeyi

Cadhaana ku gaaxsan

Dudmaanay gudoontay

Markii loo garsheegey

Inay galad haydna

Intay gungunuustay

Ayay tidhi goolka

Maxaa caro geeyay

Garwaaqsay dadkiina

Inaan gabadhooda

Garaadba ku duulin

Alaylehe waa ged

Ninkaad u gargaartay

Godkaa kama guurin

Garsheega ninkaa le

Ninkaa guul wadeeyay

Goorbaasle abraaray

Wuxuu gaday waa hub

Amaanada guudka

Gudoonka rabaa le

Gaaxdeeda dadkaa le

Waxseen ugu gaabshay

Giraanta taariikhda

Guunkeena dhigmaaya

Wuxuu gali maanta

Inuu godob qaatay

Calooshu u gaysay

Giraanta taariikhda

Guunkeena dhigmaaya

Wuxuu gali maanta

Inuu murti gaaxsan

Habeen dharag siistay

Markii galsho dhiiga

Ganaanka saboolka

Goobyaalka qabiilka

Gardaadiska iilka

Dalkii la gumeeyay

Inuu gaws u iishay

Dhulkoo gubanaaya

Geeliisa ka raacay

Haduu garta eexdo

Gudoonka la liico

Haday gacantiisu

Intay gudho maato

Ka gayso aduunka

Garaado horaale

Gudoonka ka qaada

Kacaankan gumeeyay

Bulshada ku gabraarta

Dalkii guud ahaanba

Geesaaska ku beeray

Intuu gubay daaray

Dhawaaqa guluuluc

Ku beeray garaadka

Markuu galaw yeedhay

Fiintiina gadooday

Ayuu gaala jooga

Gardaadiya hooga

Ciduu golihiisa

Gudoonshaha maantu

U soo xulay gaadhka

Dadkii gayigeena

Ku gaamuray maaha

Galbeediyo meesha

Gurboodku u yaalo

Haday hiyi gaadhay

Fandhaal kuma guulin

Hilaad kama gaysan

Caydh buu ku ahaa gun

Ku gooman agtooda

Waxaabay guneeya

Kuwii gabay diinta

Waxaa laga guurshay

Kitaabkiyo guule

Intuu giblo dheeluu

Dadkii ku gubaabshay

Inay guuli joogto

Markuu gumacyeedho

Boliisku gumaado

Fiqiirka ku giirto

Gudoonshaha faanka

Gadaala istaagay

Dadkaanu garaacnay

Caqlaa ku gadaamay

Go’odoonka ka hooyay

Gabyaaga isjiidhay

Kamaan didin gooha

Googaalaha jooga

Dadkaa kala gaara

Garaadka fogbaana

Dhaliisha gudooma

Hiraan laba gaadhin

Ninkii ka gubtaale

Wakhtaase u gaara

Gawsho la siiyo

Xajiinta la gaystay

Dib looga garaabo

Ninkaandaaqsin geela

Arkayn kuma guulin

Ninkii gaday baase

Abwaano gumeeyay

Hawraarna garoocday

Suugaantu guhaadna

Gashaabay ku leeday

by mohamed ahmed daahir

mayay4411@hotmail.com

hargeisa ,somaliland

halkan ka akhris tixii hore ee

Gunaad

Garsheeg

Guul-Wade

Galow

Garwaaqso

Garsoor

Gobdeeq

Abaal-ka dhac

Gardarro

Gubaabo

Garasho

Garnayl

Tixda Garasho oo daba socota sil siladii GUNAAD
magacaygu waa qaasim maxamed cabdibacad waxaan daganahay dalka yamen

waxan iniisoo gudbinayaa maanso magaceedu yahay garasho oo aan kaga

qayb galayo silsiladii gunaad ee uu bilawgeeda lahaa abwaan weedhsame

ga,da xarafkaraadkii gunaad,guuxa iyo reenka

garashada aqoontiyo intaan,oday kasoo gaaray

gabay inan ku biirshaan rabaa,garashadaydiiye

inta uu garaad furan nasiib,guule ugu deeqay

dhalintaan u guuxee hortay,gogosha noo xaadhay

mid anoon gujaynayn midkood,garabka saaraynin

garawshiyo salaan gaara iyo,waliba guubaabo

garab kooga inan taaganahay,bal iga gaadhsiiya

afartaa hadaan garashaday,arar ku gawsiiyay

afarkale intaan gaar u xulo,golaha aan keeno

gayigaan ku noolahay ee,guule nagu beeray

gumaysiga hortii iyo intuu,haystay gayigeena

gobanimada goortaan heliyo,gugani aan joogno

waxa loo gurxamayee intaa,gama a loo diiday

waa guri barwaaqiyo inaan,nolol ku gaarnaaye

waxse aanan garanayn tolow,gooha iga keenay

gugii waliba inan taaganahay,goob cidliyo dhiilo

ubad kuba garaadsami halkuu,alam kasoo gaaro

dib inuu u garabjoogsadaa,garashadaw diida

inaguna gadaanahay tolow,guurti iyo beegti

geedkaan shalay eednay baan,maanta gogolaaye

goodkii sumaysnaamarkuu,gam inaga siiyo

magarbaa inaan goohno oon,galindhexaad oyno

afartaa ku guud maray tilmaan,meesha gubanaysa

afarkalana gudban aan ku xidho,gun iyo baarkeeda

jeeruu aqoon,garaad iyo,gado inoo sheegto

nin qabiil ku guulaa magayo,qaran gudoonkiise

gab gabtiyo mirqaankii daraad,gaadmo iyo baano

adiguna gudoonkii tolnimo,eedku garab joogtay

wuxu garabka kaa taabto oo,balamo kuu gooyo

markii guushii uu helay uu,gaaray hadaf kiisa

haduu jufada gaar ula siroo,adiga kaa guuro

duqa waa gaddiisoo malaha,garasho sii dheere

subadiyo abaalkaad gashee,aad u gogol xaadhay

gurigiisa kuwa jooga baa,gooya taladiiye

galabtii timaadaba haduu,hoos u guranaayo

godob iyo colaad buu wadaa,ina gayaysiine

guulaha ilaahay baryoo,goorwaliba tuuga

geediga midkaaxiga tilow,yaanu ina gaadin

gadh wadeen qabiil iyo kadurug,go e afmiishaarka

garaad badane guulaha ku xiran,danaha guud eega

garbo siman ku doortoo tolow,hela gudoonkeeda

kassim abdibacad

e-mail;kassim.mabdi2012@hotmail.com

halkan ka akhris tixii hore ee

Gunaad

Garsheeg

Guul-Wade

Galow

Garwaaqso

Garsoor

Gobdeeq

Abaal-ka dhac

Gardarro

Gubaabo

Garasho

Guubaabo….. Sil siladii Gunaad ayay la socotaa
Anigoon ahayn maanso yahan u ban baxay suugaanta hadana markaan arkay

sil siladan la isku arkay ee ay iba furka u noqotay maansada Xasan Daahir ” Weedhsame”

waxaan ka gayoon waayay inaan ana wixii karaankayga ah ku darsado anigoo dhiiri galin u muujinaya

dhalinyaradaasi meelaha kala duwan ku nool ee iskugu timid golahani waxaan u yara garaabayaa Weedhsame.

maansadan oo aan curiyay April,17,2012 maalin salaasa ah magaceeduna yahay Guubaabo waxay ku bilaabantay.

Guubaabo

gayigaba dhamaantii

golahaad istaagtaba

gadh cadaadi iyo wiil

garbaa la isla faqayaa

gunaad ay u sabab tahay

gadh wadeenka xaajadu

wuxuu gole ka baanaba

gunta ay ku tolantahay

isla gaadhi waayo

ninba gees u sacab tumay

guul aan laguu furin

gole lagama sheegtee

gudi maad u saartaan

arartaa gadaydiyo

guubaaba culusiyo

garashiyo wax sheegay

hadaan galo u jeedada

gaadhigan shilkii galay

gabi iyo ka dhacay buur

ma gacmaa maqnaayo

geer iyo lugbaan jirin

geediga hortiisaba

geerash maanu soo marin

mise geesibaan wadin

gacma adag ku haynoo

gar gariirku waa baqe

mise godad af weynoo

gaadhigu maraynbaa

goobta looga sii qoday

mise godob horeetoo

uu galay wadaadkani

ayaa goobtan taalay

mise waa gediisee

waligiiba geediga

guul uguma hoyee

waa ged u lahaan jiray

mise waa giriif iyo

guluf iyo colaadiyo

gujo cadho ka keentoo

gardaraba lamuu rogin

geestay ahaataba

waa gef iyo dhagariyo

wixii laga gil gilan jiray

geesta kalena waa

gaaf iyo mashxaradiyo

adoo gole arooseed

gabay ula socdaad

goo gaale iyo

geeraaro madhan

geel waraabiso

guul wadayntu waa

waxa gole camiran

gaga boodh leh iyo

giriyaad ka dhiga

adna gaabsabaad

garan waydayoo

wadigaa gunaad

iyo gabayo kale

godob ula baxee

guusha muuqataba

gini qaate iyo

guul wadaa khariba

adna garashadaa.

Mostaphe Abdiqadir Ibrahim

Email:cigaal36@hotmail.com

Gabiley Somaliland

halkan ka akhris tixii hore ee

Gunaad

Garsheeg

Guul-Wade

Galow

Garwaaqso

Garsoor

Gobdeeq

Abaal-ka dhac

Gardarro

Gubaabo

Abaalkaa ma’gudi karo Hooyooy!
Abaalkaa ma’gudi karo

Hooyooy!

Waxa-tiriyey:- Abwaan cali dhanaaniye

Heestan kooban oo aad u qiimo  badan waxa tiriyey abwaan cali maxamed ibraahin isaga oo ka waramaya siday ku dhalatay heestani waxa uu yidhi:- waxay taariikhdu ahayd 01/02/2010 habeenkii ay igu dhalatay inaa hees u sameeyo hooyaday oo ah qofka aan dunida ugu jecelahay. waxa aan joogay magaalada hargeysa, hooyadayna waxay joogtay magaalada burco ka dib waxa aan dareemay xiiso badan oo aan hooyaday u xiisay , waxana aan arkay qiimaha hooyadu leedahay iyo sida aan marna looga maarmi Karin inta aad nooshahay. Xaqiiqna hooyadu waa  af-hayaha nolosha dhabta ah , waana qofka keliya ee ku dareemi kara xaalad kasta oo aad ku sugan tahay. intaa waxa ii dheeraa markii aan subax subaxyada kamida hotel maansoor ku arkay hooyo aad ugu faraxsan ilmayar oo ay sida tay , hooyadaasi ilamaha yar oo ay ku sido seledaha lagu ilaaliyo caruurta waxa ay siinaysaa  caano, waana ay la ciyaaraysaa oo ay ka qoslinaysaa ilaa uu ka gamayey, been maahee waxa aan dareemayey farxad iyo kalgacal badan , waxana aad moodaysay inay hooyaday ila ciyaarayso oo aniga oo yar la I kool-koolinayo.

Hooyooy udgooneey

Naxariistii eebee

Ani laygu deeqaay

Aragii naftaydaay

Gadh-hayaa aduunkaay

Aabaha ka rooneey

Hadaan joogo abidkay

Abaalkaa ma’gudi karo

Hooyooy udgooneey

Ubax iyo xareedeey

Doog iyo ugbaadeey

Marka aan ku eegaan

Naxariis ilmeeyaa

Markaan kuu imaadaan

Kal-gacayl la’ ooyaa

Ayaantaan ku waayaan

Irsiqiyo dhadhamadiyo

Noloshaba ilaawaa

Murugaa agtaydiyo

Agahayga taaloo

Farxad waan ilduufaa

Bilo iyo ayaamaad

Igu haysay uurkoo

Aawaday go?odoontee

Umo wixii ku soo maray

Ayaamihii qadhaadhaa

Alluunbaa ogaayoo

Erey laguma koobee

Hooyooy amaantaa

Qalin laguma ururshoo

Axdi waxaan ku marayaa

Ifka intaad ku sugan tahay

Inaan kuu adeegoo

Ku ilaashoo hooyooy

Ilayskii naftaydaay

Furihii aduunkaay

Ilaahay dhibaatiyo

Amakaaga noloshiyo

Aafaadka kuma tuso

Abidkaa ha urugoon

Aduun waa rafaadkaa

Istareex ku nooloow

Ayaantaa qiyaamaha

Inta nebiga raacdee

Jano urisa noqo’oo

Ilaahay ha kula jiro.

Ereyadii abwaan Cali maxamed ibraahin (dhanaaniye) (burco togdheer)

Maansada GOBAAD waxay daba socota sil siladii GUNAAD
Maansadan ayaa waxaan ugu magacdaray ‘gobaad’ waxay soobaxday 20/03/2012 ka

tan iyo intii la doortay xukuumada maanta talada haysa ayaa waxaa isasootaraya dhaliilo farabadan oo hawada isku shareeray

iyo dhibaatooyin hgor leh oo ay gaysato xukuumada talada haysaa waxaa xaqiiqo ah oo aan la hilmaami karin in maalintii lagu wareejiyay xumkuumadan talada wadanku ay ahayd mid dhamaystiran (hubsiimo hal baa lasiistaaye) iyadoon shacbiga reer soomaaliland ayna waxba ku misaalin ayay ayaa tuhuntii hungoobay oo ay ku guuldaraysteen codkoodii balse waxay tabayaan codkoodii iyo tahntidodiiba ‘talo fara ka haadaay mooyi ‘ abwaan kaariyaa lagahayee wuxuun baa sii xumaanaya maalinba maalinta ka danbaysa maantana halkay wax marayaan qofkastaa ka war haya abwaankii soomaaliyeed cabdilaahi suldaan timacade ayaa lagahaya (dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane) maanta waxaa dhacda in ta dalka baabisayba ay tahay qabyaalada waayo hadii aan la arkayn wax yaabaha dhacaya ee ay sobobtay qabyaaladu dalku sidan ma ahaadeen ee qof waliba dhankiisu ka dhisi lahaa lkn ta baaba a kentay waa sobobta hadaba dhibaatooyinkaas oo dhamaystiran waxaa iisoogudbisay maansada abwaan Xasan Daahir Ismaaciil (weedhsame) ee uu ugu magacdaray gunaad taasi oo runta taabanaysa xukuumada iyo dad farbadana kaga qaylisiisay ayaa markaan akhristay anigoon abwaan ahayn aan isku dayay in aan ana wax ku darsan karo.

maansadan ayaa waxaan ugu magacdaray ‘gobaad’ waxay tilmaamaysaa dhibatooyinkuu weedhsame sheegay qaarka mida ;

maansada gahayroow

godkii aan kadayi jiray

galin kuma mashquuline

gaaxdu ha idin deeqdee

gunaad dhalashadeedii

weedhsame gorfeeyaan

ana garab u ahaye

bulshayahay gudoon dhaha

guulaystayaashan

gabalkoodu damayee

garaadkoodu gabayee

shacbigii gumaadee

xaynba dhinac u goostee

dalkii gabagabeeyee

gago dhagari taaliyo

giriyaad kawada dhigay

ruuxii garaad lihi

gam i waa hurdada e

anigana gunaadbaa

gayi kale iigutimidoo

ii gorfaysay xaajada

odaygu uu gaystee

gayigayga taaloo

markii gudo galay

goolaaftan kaygii

talo waxaan ku goostay

in aan wadankaba giriifo

intay guntaasi joogtee

gartayda galooo

maxaa ila gudboon?

gobaadeey hashaydii

markay godlatayee

candhosaabka goysee

farxad aan la gooshee

gorafkii u soo cugay

miyaay gaagixiyeen

misana gawrac mariyeen

talo xume garaadli i

kursigii garaysnaa

markuu guudka uga baxay

waa kaa gumeeyee

bulshadii galaaftee

miyuu garan bakhaykii

garaadkiisu liitee

naxli guudka uga baxay

goblan talo aduunyooy

isagoo gafkaa galay

miyaan guul ka suganaa

gabankaygu taageeriyo

gacan uu u fidinayaa?

halkuu gali qiyaamaha

maatiduu gumaadaa

ka goosan doontee.

geedi weeyi dunidani

waagii guduutiyo

galabtii timaadaba

gurac kama dhamaatee

wuxuun baa isgadinayoo

adoo shalay nin garaadliyo

geesi aad ahaydoo

bulshadu gacan ku siisoo

sacab kuu garaacdaad

maanta gaasiraysaa

hantidooda gubaysaa

abaalakay galeen

intood geesmartaad

markii ay gadoodaan

rasaas aad ku gudaysa

xabsi aad ku guraysaa

nabsigii la gaaxshaa

goor danbeetiyo

gadaal buu yimaadaa

runta lagama gaabshee

abwaankii gargaaree

gartooda sheegana

salaan gaaraan udirayaa

gaar ahaan weedhsamiyo

guul wade bardaale…

Xaamud Xuseen Ducaale(miliqsade)

tog-Wajaale/somaliland

wajaalecity@hotmail.com

halkan ka akhris tixii hore ee

Gunaad

Garsheeg

Guul-Wade

Galow

Garwaaqso

Garsoor

Gobdeeq

Abaal-ka dhac

Gardarro

Maanso: Gardaro Oo daba socota sil siladii GUNAAD
Maansada ”Gunaad” ee abwaanka da’ada yar Xasan Daahir Ismaaciil (Xasan weedhsame) ayaa dhalisay silsilad lamagac baxday ”GUNAAD” hadaba qaarka mida ayay jawaab u tahay sida maansada gunaad ee weedhsame iyo maansada ”gobaad” ee xaamud xuseen ducaale(du’ale).

maansadana waxaa tiriyay abwaan Axmed Cismaan Axmed (fadan) waxaanad ka dhadhansan doontaa dulucdeeda markaad hoos ugu dhaadhacdo.

waxay tidhi:-

gundhigeeda maansada

waayodheer waanigan galine

ma gimgimin geeraaradaan

geesi ku ahaaye

la illase gaad intaan ka goobsadaye

kolkaanse gilaabta iska rogay

doqoni giigtaaye

aan gorfeeyo caawaba

murtiday laabtu gaaxinaysay

girgirwaynoow libaaxuba

haduu indhaha soogayro

gacan fudayd nin aan lahayn

iyo fulle gariiraaba

intuu guudka kaga yimaadbay

nolol kala gadoomaane

aniguna gadiisii markaan

gabayga faandheeyo

ama aan gaftin jootoo

araartana googooyo

gooduba way itaqaan

wayna iluuqgarane

adna hadaanad gees kamarin

gogol dhigaan sheegay

ama aad koore gooye tahay

waa ay garwaaqsamiye

gamaan fuulkuna waa uu soogali

ninkii madal isgeeyaaye

adna waad garsheegani

waxaad gooso leedahaye

Afarta waxa lama gaasiree

geerka ma u saaray

araar kulul magaadhsiiyay

ragii ii gunuunucaayay

gobo’ kalena

aan guntee

galabta ii hooya

sidii gayiga looxulay

ragaa hadalka guubaabin

gidigood waxaan odhanayaa

erayo gaar gaar ah

ninkii gabayga curiyiyo

ninkii hees ka daba geeyaya

ragyohow waxaad guraysaan

iyo hawraartan goosaysa

goobtaa ma joogine

waxaa isoo gaadhay

gayiguu layaabee

gabayna kuu geeyay

geesigaan gacanta siinee

talo gudoonsiiinay

hawshii miyuu gabay iyo

wixii guudka loosaaray?

galdaloolo miyaa ka timid

iyo waxaan cidi gorfaynaynin?

guhaadse laguma dayo

ruux kaa guwayn adiye

gaadhigaa laga gam ee

gabi kasoo duulay

in uu nafta kaga goyn

wixii saaran guud kiisa

oo galaafani waxbadan

waan iska garanaaye

gudboonaanta noocaasihi

waa gaf kaa yimide

cidna ma ay galabsane

adaa gaystay kalkigaaye

gardariyo is yeel yeel

waa kii gambiyay

dawladaad garane

ma gawsbaad rabtaa

iyo goosi kaligaaya?

ma guunyaa lagaa maroorsaday

iyo hali aad gaadaysay?

ma qabyaaladbaad goobaysaa

iyo wixii waayo laga guuray?

maxaqaad giriifteen gabi ahaantiinba?

mise xilkaa looguntadaa

gooha kaa dhaliyay?

garnaqsigase waa lagu yaqiin

ruux haduu gafo e

gurcudbaad gudaad tidhi

guure kala jeexe

gabi baad ka duuishoo

waadigaan garane

maandhoow maad gunaanadi

hadalkan gaaf raacay?

mise guulaan kula

sugaa wixii adi kusoogaadha

Afarta waxa lama gaasiree

geerka ma u saaray

araar kulul magaadhsiiyay

ragii ii gunuunucaayay

gobo’ kalena aan guntee

galabta ii hooya

gafka dhacaay

gadhi gabi kaduuliyo

gabay gii loojeedshay

ninkii hees kadaba geeyay

ee goobna ilajoogay

gardaradaad ku raacday

hadaan gacanta kuu saaro

hasha godlatay

gorafka loocugiyo

caanaha lagaa gaaxshay

ma dhuunaa lagaa jaray

maxaa adi kusoogadhay?

ma gasiiin aad doonaysaa

gole yar loo ootay

ma geed aad guro lahaydbaa

hoosta laga gooyay

ma xilkaa gudbaa

gaarufkaa dhaliyay

ma gabaw baad ku sheegteen

ninkaan shalay daba guclaynaanay

ma runtaad garabmarteen

maxaa guuldarada keenay?

niman yohow waad gafteene

ee maanta gacan keena

oo geesiga aan garab galnee

gulufka soodhaafa

gooobtaad xustayna

waan garleenahaye

guulna waan helaynaa

hadii raadkeed loogalo e

guulguul kiyo daaya waar

gacan togaalaynta

Afarta waxa lama gaasiree

geerka ma u saaray

araar kulul magaadhsiiyay

ragii ii gunuunucaayay

gobo’ kalena aan guntee

galabta ii hooya

dhanka kale hadaan gadiyo

oon geesigana eego

waxaan baadi goobaniyo

hadafkii soogaadhe

nimanyohow yaan logoofine

gaardi socod keena..

Abwaanka Axmed Cismaan Axmed(Fadan)

TOG-WAJAALE SOOMALILAND

E.amil: wajale22@hotmail.com

halkan ka akhris tixii hore ee

Gunaad

Garsheeg

Guul-Wade

Galow

Garwaaqso

Garsoor

Gobdeeq

Abaal-ka dhac

Gardarro

Gobaad

Tixda Abaal-ka dhac ee sil silada GUNAAD Daba socota
Maansadan oo daba socota silsiladdii gunaad ee abwaan weedhsame, waxna

ka tilmaamasa waxyaabaha jira , dulucdeedana waxaad ka fahmi doonta

maansada dhexdeeda waxaana curiyay AHMED OSMAN AHMED (fadan) waana

sida tan :

murtidii gunaad ee

ninba gees ka eegaan

aniguna gadii hore

geeraar ka tiriyoo

taladoo guracanbaa

goobdheer oo aan jiray

gedac igu haleeshoo

ana aan geer ka raacee

gaydha iyo fooraha

galabtaan gorfeeyoo

misla kula gudoomee

weedhsamaw gaankayoow

geesigii barbaartaw

gadhwadeen abwaanow

ana manta ii gunud

wax layidhi guyaal hore

gayigeena waxa jiray

gabadh guun ahaydoo

gagadooy ka tumatiyo

sacab laga garaaciyo

waliba gooha maansuun

gabalkii dam ugu yidhi

gelin hore habeenbay

ilayn waa gadeedee

durbaan soo garaacdoo

gidigood barbaartii

kaga goosheen hareeraha

waxay tidhi gubtaanyada

ama gaanka aan ahay gabadhii gashaantiyi

gayaan bay lahaydoo

geesna looma dhaafayn

ana gaar ahaantay

inta guudka fidhatiyo

gamboolayda oo idil

gacan baaban dheerahay

imisaan garoon wayn oo

goodu ay isugu timid oo

waglo loo gadaantoo

waaba gabay latiriyee

goos-goos hirwada qaar

cid uguntataba laga helin

kasoo galay gadaaloo

dadkii joogay goonyuhu

qosol wada gigimiyeen

adiguna bulshooy gara oo

abaalkaas ayaa gudi ?

misla golihii wada guux

hadalkiina sii gudub

odayaashii wada gaadh

warka lays gala bixi

inta geedka loo baxay

garta jilibka loo laab

laysla garay go’aankii

garidaa hammootee

gayaankeedna hadal tidhi

inla galbiyo gabadhaas

guri wacana lagu hooy

waa bahal gabawdoo

gablanbaad ku dhiman

maahee

in lagu guraba abidkeed

maankeeda galinine

gadh-madoobe markuu helay ee

garayskii adkaadee

garabkeeda gooyee

naaskeeda giijee

guradeeda ku engegay

dhixidhkii ka gooyuu

galin dhexe habeennimo

gogol kula caweeyuu

gumbudhkii ku gaamuriyo

gaaxdii ka hoorshey

gungunuunuc keentooy

bal maxaa I gubay oo

isoo galiyay gurigani iyo

gole wayn katidhi hadal

guurtidii dhanaydbay

guulguul colaadeed

mise galalaf ula timid

afartaa guntoo dhaha

god abwaan lahaan jiray

xaajadu gundheeraa

weedhsamaw garwaaqsoo

muxu aadmi soo gubay

gacansaaray xididkii

waa duni gablooshoo

casar gaaban joogtee

ninkii waar codiyo garab

guunyoodhan loo tubay

la guddoonshay taladii

guyaal raadco ugu jiray

sawkaa hanadadaad garan

wada gawracaayee

gacanku-dhiiglayaaliyo

godob-qaatayaaliyo

arli-gube kawada dhigay

anuu guluf colaadeed

holin maayo gayigee

weedhsamaw garaad li’i

gune-qaatayaashii

gar-sheeg may katiriyeen

garashaase siisoo

gawsbaa haleeyoo

gasiinbaa wax hodayee

halayaabin maan-gaab

weedhsamaw gaankayaw

geesiga barbaartaw

gadhwadeen abwaanaw

adaa goobta joogee

gabagabadii maansada

tixdaa aan gayaxa-maray

guntii waxaad tidhaahdaa

gube iyo hunguri dhaaf

qabri iyo godbaad gali

galin maalin duunyaad

haku gubin gahayraw

gogoshaada aakhiro …..

halkan ka akhris tixii hore ee

Gunaad

Garsheeg

Guul-Wade

Galow

Garwaaqso

Garsoor

Gobdeeq

Abaal-ka dhac

Gobdeeq Waa tix jawaab u ah GARSOOR Waa siciid talasame iyo sil siladii GUNAAD
Siciid maxamed talasame

Tixdan gobdeeq waxay u jawaabaysaa tixdii c/raxmaan cakuush ee uu wajaale ka soo tiriyay   waxaanay oranaysaa:

Gobdeeq iyo hees tilmaana

Ka soo guray geed magoolay

Runtii guulena xambaarsan

Beentii gaaladana xoortay

Ninkaa gabyayoow dhagayso

Geenyadii dahabee habawday

U gashay goodkiyo abeeska

Shabeelkiyo godadka aarka

Dhurwaagii libin garaystay

Waataan gacaloow ku qayshay

Waataan u goleeyay maalin

Waataan geesiyada u baaqay

Waataan guntigan adkaystay

Waataan gudintiina laacay

Waataan gudayeen cartaabay

Waataan quulah gasiintay

Waataan  geedaha u diirtay

Waataan gumuciyo rasaasta

Waataan u badheedhay gaasta

Waataan guushii haleelay

Waataan gurigeedi keenay

Waataan shalmadiyo guntiimo

Waataan dahabada u gooyay

Waataan dooxada dhex geeyay

Markaan galab mayracaayay

Markaan  heensaha u giijay

Ninkii guudkeeda fiirshay

Markuu cabdiyoow  u goohay

Anoon  guushaa u diidin

Waataan guudkeeda saaray

Waataan xakamaha garsiiyay

Markuu geenyadii dul fuulay

Sowkaa buuraha dulgeeyay

Sowkaa ku gubaaya jeedal

Sowtaa kuftayee gumoowday

Sowtaa  gabi dheer ka duushay

Ninkii gacaloow kaxaystay

waakaa garabkeeda seexday

waakaa gaadhkii u sheegay

ninkii gama’iisa  eega

ninkii gabay soo tiraaba

inuu guulwade u joogo

adoon gacaloow dhex joogin

gudaha cveelkiyo hargaysa

ha gumayn ruuxii hadlaaya

sharcigan gubtayee habaabay

sharcigan shilimaadku gooyo

sharcigan subaxdii gam’aya

sharcigan galabtii shaqeeya

sharcigan fiidkii go’dooma

sharciga   dibjirkiisa gooya

sharcigan hebelada gargaara

sharcigan garan waaga eegta

sharcigan garabsaarku dhaamo

hadaad guul wayn ku sheegtay

inaad gadantaa cadaana

hooyada gurigeeda joogta

ilmaha guudkeeda saran

dulmigan xoolkii ku gaadhay

hadaad gacaloow amaantay

inaad  gudhantaa tilmaana

qudhaanjada geeda fuushay

dulmay gacaloow ka yaacday

adoon    gacaloow dhex joogin

gudaha ceelkiyo hargaysa

miyaad guul wayn tiraabtay

adoon godobaha xeraysan

libinta xassan gaadhay caayin

haantiyo gudaheeda dheego

abwaanka gabyaaya eego

macalin ku gardaadsha doono

xassan gacaloow ayaanka

intuu  gabayda hagaayo

ninkii gama’a wuu  ku toosin

cagtana dhabaduu u gayni

qodxuu  gacaloow ka qaadi

halkan ka akhris tixii hore ee

Gunaad

Garsheeg

Guul-Wade

Galow

Garwaaqso

Garsoor

Gobdeeq

Garwaaqso tix daba socota sil siladii GUNAAD
Gabaygan waxaan tiriyey 18-03-2012, waxaanan kaga qaygalyaa sil siladii gunaad ee uu tiriyey abwaan xasan daahir (weeedhsame),waxaan aniga I soo gaadhay oo ilaa hada aan arkay labada gabay ee gunaad iyo garsheeg, waxaanan anigu tageeray weedhame oo labada gabay runta u dhow aniga aragtiday, halka abwaan dhuux uu isagu ka horyimid gunaad tiriyeyna maansada garsheeg,

Markii aan garowsaday

Inaan laba gudboonayn

Godka gabaygu yalaana

Uu mida geeskii

U gardaadshay garashadii

Gunaad iyo garsheegow

Waxaa aan ku soo galay

Maansadan garwaaqsee

Waxa aan u kala guray

Ma gudboona labaduye

Gunaadbaan garsiiyoon

Waxaa aan ku garab galay

Runta u gorfeeyo

Xaajadan gun iyo baar

midna aanu gees marin

xasanow gar gaarow

Hibadaada Guud Iyo,

Aqoontadaa Gaarkiyo,

Garaadkaga Wacaniyo,

Garashadaada Dheerba,

Gabay Ku Horseedo,

Gayigaba Dhamaanti,

Galbeed Iyo Ilaa Bari,

Guban Iyo Ilaa Hawd,

Somaliland Gabi,

Way Ka Gudoontay,

Guunaadka  Tirisaye,

Erayada Gusha ah ee

Weedhsamaw Soo Galay

Gunaad Weeye Fooshe

Waa Geedki Ubaxo Intuu

Gooni Ula Baxay

Bilicdiisa gaar ah

Dabadeed la gooyoo

Quruxdiisi gaasiray

Sharcigeeni Gabigii

Ninkii Ginida Haystu

Gartaba U Loogaa

Guushana uu siiya

Intaad Sheegtay Gabanow

Waa Xaqiiq Gu,Weynoo

Garashada Dadkaagiyo

Waxay Gocanayaanee

Gidigood La Guxaan

Hadaad Soo Gudbinaye

Gulahay Ha Kula Jiro.

Dhuuxa garsheegtee

Gam’ay ee lulodee

Guulwadaynta tiriye

Gar Gariirka Badanee

Xaqiiqdina Gaasirow

Aragaa  Gabweeyaan

Gabal Baana ku Dumay

Gaf waxaad samaysay

Guradaada weeyaan

Iska Guul Wadeeyo

Giniyaadka Lacagtiyo

Iska Gurto Gasiinko

Maadiga Garsheega Ah?

Sawdiga Is  Guhaadee

Gondaha Is Jaraye

Gayigii  Dalkeenana

Gawskaga Dhaafsaday

Garab Maray Xaqiiqdi

Guulwadaha Hadlayow

Gu,na Waanu Jirino

Gabaybaanad Garanayn

Gagido Cidla Abaad

Kalidaa Ka Guuxa

Oo Wax Aan La Garanayn

Ayaad Soo Gubinayaa

Guul Wadow Markale Hoo

Dhalinta Gabyeysana

Waxay Gocanayaan Iyo

Waxay Soo Gudbinayaan

Waa Inaad Gudoontaa

Galdalool Wixi Jira

Waa Inaad Ka Garawdaa

Guul Wadow Bal Waydii

Madaxweyne Guulane,

Gogoshaasi Nabadiyo,

Guridii Xashiishkiyo,

Gudiyadii U Xulay Iyo,

Golahiisii Koobna,

Maxaa Soo Gunanaday?

Adigaan garaabino

Runtuun geesmarayee

Dawladeenu gacalow

Sawtaa laysay gabanadii

Guusha u horseediyo

Geesiyadii dalkeenuna

Sawta ay ka gabsheen

Agoonti la girifee

Kaligood la guxaan

Gaajo iyo oonkaba e

Gasiinkiina laga jaraye

Hayad aan la garanayn

Loogu geeyey gunadii.

Adigaan gar qaadane

Gunada aad sheegtayna

Ma guulbaad u aragtaa?

Wixi la iska guran jiray

Ayuunba la gaadhsiin

Cidi hawsha gudatee,

Dawladeenu maandhow

Sawtaa  gadatay jajabkii

Shicibkii guratee

Buuraha guntoodiyo

Geesay xeeradi gantaalaha

Waqabadkaa guusha ah

Ee garatay dhuuxow

Nin kaliyi ma gaadhine

Kulmiyaa gardaadsho

Balamihi u galaybuu

Badh uun soo gud leeyahay

Gabanada Gabyaaye

Sugaanta Ganow

Bal U Daaya Guul Wade

Ha Gudoonsado Su,aasha

Ha garwaaqsado wixi dhaba

Hana geeyo meeshu

Garta uu ku niqi jiray

Erayadii:- Mohamed Jamac Haashi (Abwaan Boodhari)

Email: boodhari_19@hotmail.com

Tell: 4443571(telsom) or    9220990

halkan ka akhris tixii hore ee

Gunaad

Garsheeg

Guul-Wade

Galow

Garwaaqso

Garsoor