Waa duhur; qoraxdu korkayga ayay qotontaa, falaadheheeda dhinbiisha
ka kululina dhakadayda ayay ku dhacayaan. Dhidid aad dhareer mooddo ayaa
dhafoorkayga ka tifiqlaynaya, mase dhaaddani oo dhib ka weyn baa i
haysata. Ma waayin wax la cuno, mana waayin wax la cabo; waxaase werwer
igu haysa xaraarada qaad ee maankayga xoqaysa, maskaxdaydana
xaradhaaminaysa.
Ma
ilaawo Habeenkii iiguhoraysay
een ka qayb galo Buug Afkayga hooyo ku dhigan oo af qalaad loo Tebiyo
een kala qayb galay Naadiga Akhristayaasha Hargeisa ( Hargiesa
Readers Club ) iyo Hotel Imperial.
Xilalkii uu Madaxweynaha Somaliland dhawaan magacaabay waxa ku jiray qaar Af-Ingiriisi ah, kuwaas oo fahankoodu ku adkaaday muwaadiniin fara badan.Waxa ugu soo horreeyey xilka lagu
magacaabay “Chief of Cabinet”, kaas oo muhmalka ku jiraay warbaahinta iyo dadweynuhuba aad
u hadal-qaadeen welina aan la qeexin waxa uu yahay macnaha iyo doorka dhabta ah ee
xilkan. Hormadii labaad ee uu Madaxweynuhu Khamiistiimagacaabayna waxa ku jiray hay’ado
iyo xilal kala ah “Recruitment, Establishment,
Nin reer Somaliland u dhashay oo qurbaha ka tegey ayaa markii ugu
horreysey waddanka ku laabtay isaga oo aad u qiiraysan. Maalin buu isaga
oo lugaynaya meel ka mid ah magaalada Hargeysa wuxuu soo ag maray waab
yar oo ay islaani shaah ku iibinayso, halkaas oo uu fadhiyay nin kale oo
isagu dadka aan weli waddanka ka dhoofin ah. Halkaas waxaa ku dhex
martay saddexdan shakhsiyadood sheeko qosol xikmad leh oo fariin muhiim
Urur jaaliyadeedka West London Somaliland Community wuxu
tacsi tiiranyo leh gaadhsiinayaa qoyskii, asxaabtii iyo dhammaan umadda
reer Somaliland meel walbooy joogto ka dib geerida naxdinta leh ee ku
timid Mujaahid Cabdillahi Askar Barkhad oo ku geeriyooday Axaddii
dhawayd caasimada Jamhuuriyada Somaliland ee Hargeisa.
Hargeysa - Sheekadan qiirada leh ee dhabta ah ee ka hadlaysa
farsamadii iyo geesinamdii Qarnigii hore ee lagula baxay Muj.Cabdilaahi
Askar Barkhadlewaxa ka waramaya oo ka sheekeyay Muj.Aadan Maal Caqli oo
ka mid ahaa geesiyaashii la baxay Mujaahidkaa, Aadan waxa uu ku nool
yahay hadda magaalada Hargeysa
Waxa maanta ku geeriyooday Magaalada Hargeysa mujaahikii waynaa Cabdilaahi Askar waxa lagu xasuusta cabdilaahi inuu ahaa mujaahid wadanka naftiisa iyo hantidiisaba u huray, isagoo hawlgalo fara badan oo wadanka lagu xoraynayeyna ka qay qaatay, hadaba bahda murtimaal iyadoo geeridaasi xusaysa ayaa waxay inoo soo daabaceen maansadii Daallaley ee uu hadraawi markuu u halganka ku jiray tiriyey. waxa uu leeyahay (Lixle damacyadiisii
Diric
Ina Saleebaan
Duxan baan u dhaartay )
Maansadan waxa waxa aan curiyay bishii February 18 keedii 1985.
Xilligaas waxa aan si xoogle u akhriyi jirey falsafadda reer galbeedka
gaar ahaan hal doorkooda ay ka midka yihiin Friedrich Nietzsche and Jean
Paul Sartre iyo kuwa kale oo ahaa raggii hormuudka u ahaa aragtida loo
yaqaan existentialism. In kasta oo aan dhab ahaantii aad u jeclaystay
doodahooda,
Dheeg; waa inan (gabadh)
Soomaaliyeed, oo ku dhalatay, degganna magaalada Herer ee dalka
Itoobbiya. Da’deedu qiyaastii waa ilaa 16-jir. Waxa ay u weyn tahay
carruur saddex ka kooban (iyada iyo laba wiil oo kale). Labada wiil; kan
rooni waa 12-jir (Mahad), kan yarina waa 7-jir (Madar). Carruurtu waa
agoon waana rajo, oo Aabbe iyo Hooyo midna ma leh, oo labadiba way ka
dhinteen. Alle ha u naxariisto’e Aabbohood Daahir Dubbad, muddo saddex
sano laga joogo, ayuu xabsi Herer ku yaalla ku dhintay. Sida uu u
dhintayna ilaa imminka lama yaqaan,
Waa Jacaylka Xaaskaaga Inta Aad
Nooshahay Oo Dhan.
Ha isku dayin in aad xaaskaaga tusto in aanad ku qanacsanqyn cuntada ay kariso
iyo hawsha ay guriga ka hayso, hadii aad wax saluugto si taxadir leh oo talo ah
u abaar in aad toosiso ama aad saxdo wixii aad saluugtay adiga oo aan toos u
sheegayn dhaliilaha aad aragtay.
Asalaamu Calaykum dhamaan,, waxa aan idin oo guud binayaa tix gabaya oo
la magac baxday (gurmad) oo ka hadlyasa dhibka gabooyaha lagu hayo ee
soo jireeyn ka ah taasoo inna wada saran yahay waajibkeedu, aniga oo ku
hanbalyaynaya Abwaanadii ka hadlay ee yar iyo wayn ba lahaa. Hase
ahaatee inaynu kaga hadhno intaas maaha waa inaynu dabar gooynaa, lana
dagaalanaa dhibkaa soo taagan.
Qiiro ayuu af kastaa leeyahay. Waa qiiro
weyn oo dadka qaarkii murugo ku beerta marka ay arkaan garwaaqsi ahaan
gefafka, gawl gawlka iyo xadgudubyada dadka qaar afkaas ka gelayaan,
gaar ahaanna marka ay wax ku qorayaan.
Anigoo mar wax ka tilmaamaya quruxda,
libinta, iyo liibaanta
Af-Somaaligu leeyahay ayaan qoray:
‘ ....inkastoo aynu niri Af-Soomaaligu waa ereyo kooban yahay
marka afaf kaloo badan la barbar dhigo, haddana rogrogga
ereyga,
is-qabadsiinta laba erey, qodobka gadaal ama hore ka raaca
ereyga,
meesha uu had walba ereygu weedha kaga jiro, iyo kuwo kaloo
badan
ayaa isla ereygii siinaya micnayaal fara badan oo si fudud
loo kala
garan karo.’
Nomad Diaries is a thought provoking and a very conscientious book. It
touches the very nerves that Somalis refused to go near. The horrible
past and the very ugly present it has left behind. Nomad Diaries sparks
the debate we’re so resistant in having and the denials we, all
Somalis have been embracing for most of our lives which disabled us
from moving forward. Because as we know it, a society must face its
past and reconcile with it if wishes to face the future.
Fekerka iyo dhaqanka bulshooyinku ma aha waxa cirka ka soo daata ama
dhulka ka soo fuura, ee waa silsilad ay guntin waliba mid kale haysato.
Marxalad walba oo nololeed waxaa saameeya mid ka horraysey, halka ay
iyaduna sii saamayso ta xigta. Haddaba dhammaadkii soddonnadii iyo
bilawgii afartannadii qarnigii tegey Geyiga Soomaalida waxaa ka abuurmay
xaalad ku cusub fanka iyo halabuurka soomaalida taas oo noqotay, ilaa
maantana ah, mid aad u xiise iyo taageerayaal badan. Xaaladdaasi waa
heesaha casriga ah ee muusigga loo tumo.
Mar kale ayay maalmahan murugo gilgishay bahda qalinleyda iyo
halabuurka markii looga naxsaday geerida lama-filaanka ah ee abwaan
Saalax Xaashi Carab, 19kii bishan Agosto. Bahdan oo uu ku abtirsado
Naadiga PEN oo uu Saalax ka ahaa xubin qaali ah, waxaa mar kale la
damqay nabarkii ay ku reebtay geeridii is daba-joogga ahayd ee ay
sidii tusbax go’ay sannadahan u dambeeyey isaga daba tageen halyeeyo
badan oo hormuud u ahaa halabuurka fanka iyo suugaanta Soomaalida.
Kuwaas oo ay ugu dambeeyeen, Alle ha u wada naxariistee, Xasan Cilmi
Diiriye, aabbihii masraxa Jabuuti